|
|||
Allool.com
Xog: Waa kuma Hogaamiyaha Cusub ee Dalka Jarmalka.
January 16, 2021 8:33 PM - Written by Warbaahinta AlloolNewsArmin Laschet Madaxwaynaha Gobolka Nordrhein-Westfalen Oo Ah Gudoomiya Cusub Ee Loo Doortay Xisbiga Talada Dalkan Jarmalka Haya , Waxa ay Ololaha Kuwada Jireen Wasiirka Caafimaadka “Jens Spahn “Oo Uu Rabay In Uu Ku Xigeen U noqdo balse Ku Guuldaraystay , Waxana Tartankii Jagada Gudoomiye Kuxigeenka Ku Guulaystay Madaxwaynaha Gobolka Hessen (Volker Bouffier ). Armin Laschet Oo Laga Yaabo In Uu Noqdo Raysalwasaaraha Merkel Badalaya Ayaa Siyaasaddiisa Qaxoontigu aad U furfurantahay , Waxa Uu Gobolka NRW hore uuga Soo Noqday Wasiirka Qoyska Caruurta ,Qaxootiga iyo Is-dhexgalka , Waana Wasiirkii Uugu Horeeyay Ee Gobol Jarmali Uu Yeesho Dhanka Qaxootiga iyo Is-dhexgalka. Mudo 5 Sanno ah ayuu Hayey Xilkaas 2005 Ilaa 2010. Armin Laschet Waxa Uu Aad Uuga Shaqeeyaa In Dadka Soo Galootiga ah Loo Fududeeyo in Si Dhibyar ay Uula Qabsadaan Nidaamka Waxbarasho Ee Dalkan Jarmalka , Jaanisyo Badan iyo Qorshayaal Gaarana Loo Sameeyo, Taa Oo Laga Dareemi Karo Gobolka NRW sida Uu Uuga Furfuranyahay Dhanka Waxbarashada iyo Is-dhexgalka Marka Loo Eego Gobolada Kale Ee Jarmalka.
COMMENTS
|
Latest News
|