Allool.com
Wasiir ka maaliyada uk oo is casilay iyo xukumada oo isku shaandheyn balaadhan sameesay
February 13, 2020 11:34 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Dawlada cusub ee uk ayaa ruxan iyo culeys soo wajahay kadib markii Wasiirka maaliyada UK mr Javid uu is casiley kadib markii uu reysal wasare johnson u gacan dhaafay shaqalihiisi una yeedhiyey in uu eryo 11 ka tirsan shaqaalihiisa.

Reysal wasaare johnson ayaa is casilaada wasiirka maaliyadu ku sababtay in uu golahiisa wasiirada ku sameeyey isku shaandheyn balaadhan taas oo noqoneysa isku shaandheyntii abid ugu balaadhneyd marka la eego xukumadihi jirey mudo laba bilood ah gudahood.

Mr javid iyo reysal Wasaaraha ayaa ahaa saxiibo dhow balse talabadan iscasilaada ayaa dhalisey hadal hayn badan oo sheegaya in xukumadu lumisey mid ka mid ahaa halyeyadii guusha doorashada usoo hooyey.

Allool News London

COMMENTS
Latest News