Allool.com
War Deg Deg Ah:Dhuusamareeb – Askari dilay qof shacab ah oo gacanta lagu dhigay
January 14, 2020 12:42 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews BO

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada booliska magaalada ay gacanta ku dhigeen askari xalay qof shacab ah ku dilay magaalada, iyadoo marxuumka la dilay uu watay mooto bajaaj.

Sida wararku sheegayaan marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabayay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, waxaana la sheegay inuu ahaa qof dhagool ah.

Askari ka tirsan ciidanka Nabad-sugida ayaa ka dambeeyay dilka, waxaana isla xalay ciidamada u suura gashay inay gacanta ku dhigaan, kaddibna ay xabsiga u taxaabaan.

Wararka ayaa sheegaya in mootada uu watay marxuumkaas oo mareysay goob ciidamada ka ag-dhowaayeen, markii lala hadlay uu maqli waayay, taasna ay sababtay in rasaas ay ciidamada ku fureen uu u geeriyoodo.

Dhacdadan ayaa si weyn u saameysay magaalada Dhuusamareeb oo ay isu diyaarineyso doorashada Madaxweynaha iyo tan Guddoonka Baarlamaanka oo lagu wado in dhowaan ka dhacdo magaalada.

COMMENTS
Latest News