Allool.com
War Deg Deg Ah:Dad Somaliland Ugu Geeriyooday Xanuunka COVID-19+Dadka Qaba Oo ii Kordhay”
May 26, 2020 10:58 AM - Written by Warbaahinta AlloolNews BO

War kasoo baxay Guddiga Jamuuriyada  Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa  sheegtay in dadkii la baadhay laga helay 14 qof oo  kamid ah Cudurka Corona Virus  kuna  jiraan  xaaladii karantiilka

Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in laba Ruux oo ku sugnaa Magaalooyinka hargeysa iyo Boorama ay Cudurka u dhinteen taas oo dadka deegaannada jamuuriyada Soomaaliland ugu dhintay COVID-19 ka dhigeysa 17 Ruux.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaadhay 217 Ruux 8 Ruux ay ka bogsoodeen halka 17 qof ay u geeriyoodeen.

COMMENTS
Latest News