Allool.com
War Deg Deg Ah:Ciidamada Kenya Iyo Maleeshiyaan Itoobiyaan Ah Oo Isku Rasaaseeyay Maayaale”
April 1, 2020 4:58 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews BO

Wararka ka imaanaya magaalada Mooyaale ayaa sheegaya inay rasaas is weydaarsadeen ciidamada Kenya iyo maleeshiyaad Itoobiyaan ah oo ku sugan magaalada Mooyaale.

Rasaastan ayaa ka dambaysay markii sida la sheegay ciidamada Kenya ay keeneen baldoosarro lagu qodayo dhulka kadib markii dawladda Kenya ay amartay in la xiro xuduudda si looga hortago faafitaanka cudurka Coronavirus.

Ilaa hadda ma cadda in dad ay wax ku noqdeen rasaasta ay isweydaarsadeen labada dhinac.

Qof ku sugan magaalada Mooyaale waxa uu warbaahinta u sheegay in labada dhinac ee is rasaasaynayey ay ku labbisnaayeen dharka ciidanka.

COMMENTS
Latest News