Allool.com
Sargaal ka goostay Somaliland oo S/Guuto loo putland u dalacsiiyay loona magacaabay Taliye kuxigeen
August 19, 2019 3:26 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dalacsiiyay Gashaanle sare Caydiid Axmed Nuur Siciid oo katirsan ciidanka booliiska maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa wareegtada kasoo baxday lagu dalacsiiyay Ceyduud Axmed Nuur oo hada laga dhigay Sareeye Guuto, waxaa sidoo kale Madaxweyne Deni sargaalkan u magacaabay in uu noqdo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Sargaalkan uu dalacsiiyay Madaxweynaha maamulka Puntland una magacaabay taliye kuxigeenka ayaa horey u ahaa Taliyihii Ciidamada Bariga Gobolka Sanaad ee Somaliland, waxa uuna horaantii sanadkan taliyaha isku soo dhiibay dhinaca Puntland

COMMENTS
Latest News