Allool.com
Meydadka Kalluumeysato Ajaanib Ah Oo Laga Helay Xeebaha Somaliland”
February 13, 2020 1:31 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews BO

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Kalluumeysatadaasi inay dhowr maalmood ka hor u kalluumeysi tageen Xeebta magaalada Axwaar ee Gobalka Abyan ee Yemen si ay gutaan shaqo maalmeedkooda hase’ahaatee la waayay markii dambe.

Markab nooca Ganacsiga ah ayaa la sheegay inuu Maydadkaasi ka helay dooni dul sabaynaysay meel ku dhow Xeebta Degmadda Shakra oo ku taalla Badda Xeebta Caraabi oo la aamnisanyahay in ay kusoo cariday.

Kalluumaysatada Yamanyiiinta ah ee Maydadka la helay waxaa lagu kala sheegay Ali C/llahi Xasan oo 40-jir ahaa iyo wiilkiisa Saciid Cali oo 14-jir ah, kuwaasi oo la la’aa tan iyo bishii la soo dhaafay ee Jeeniweri 27-dii.

Dhinaca kalanawararku  waxay kaloo sheegayaan in weli la la’ yahay wiil 13-jir ah, oo lagu magacaabi jirey Abu Bakar Fowzi Abu Bakar, kaasi oo la socday doonida laga helay maydadka Aabe iyo Wiilkiisa.

COMMENTS
Latest News