Allool.com
Mas’uul hore Caan ah oo ku baaqay in wada-hadal lala furo Al-shabaab
September 11, 2019 10:58 AM - Written by Warbaahinta Allool News

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay dagaalka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa uu ku baaqay in wada hadal toos ah lala galo dagaalamayaasha Al-shaabaab,isagoona sheegay in dadkaas ay yihiin Soomaali.

Isaga sii hadlaayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in aan la dhaliilsan kari nabada wadahalka ku timaada,isagoo xusay in ay aad u fiican tahay in Al-shabaab wada-hadal lalagalo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa la tilmaamay in Al-shabaab ka arki waaye,isla markaana ay fiicneed in laga guuleysto,hayeeshee taasi ay dhici weyday.

 

 

COMMENTS
Latest News