Allool.com
Maamuulka Warbaahinta Allool.com oo raali galin ka bixiyey Barnaamij shabakada ka baxay oo laga cawday.
June 17, 2019 7:22 AM - Written by Warbaahinta Allool News GKC

Maamulka Shabakada Wararka Allool.com ayaa raali galin buuxda ka bixiyey Barnaamij ay shabakadu ka diyaarisay Khilaafaadka u dhaxeeya Muusa Biixi iyo Boqor Buurmadow, qeyb ka mid ah Barnaamijkaas ayaa waxaa ka cadowday akhristayaasha iyo Daawadayaasha Allool.com.

Haddaba Raali galinta Shabakada ayaa sidaan u qoran.

Waxaanu raali gelin ka bixineynaa erey si khaldan nooga dhex raacay warbixin warbaahinta Allool ka diyaarineysay khilafaadka xukumada muuse biixi iyo boqor cismaan buur madow.

Anago aan waxba ereygaas qoraalkan ku xuseyn waxaanu cadeeneyna in aan marnaba ujeedo naga ahayn in aanu ku gefno boqorka iyo xishmeynta uu ka mudan yahay qofkasta oo ku hadla luuqada afsomaliga maadaba uu yahay madax dhaqameed.

Warbaahinta Allool waxay mar kale cadeeneysa in wararka, barnamijyada iyo xogta aad ka dheehanaysaan ay noqdaan kuwo dhexdhexaad ah oo aan cidna ataageyn cid gaar ahna u shaqaneyn, balse waxa xusid mudan in bashar la yahay oo aynu yaqiinsanahay ma khaldame in uu Illaahay yahay.

COMMENTS
Latest News