Allool.com
Khasaraha ka dhashay Ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka Putland dagaal dhex maray
May 22, 2019 6:37 AM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Khasaraha ka dhashay Ciidamada somaliland iyo kuwa maamulka Putland dagaal dhex maray

Dagaalkan oo khasaare dhimasho ah ka dhashay ayaa yimid ka dib markii wasiirka waxbarashada maamulka Puntland uu isku dayey inuu socdaal ku yimaado deegaanka Carmala oo ka tirsan gobolka Badhan oo uu wakhtigaas ku sugnaa wasiirka cadaalada somaliland.

Warar laga helayo deegaanka gobolka Badhan ayaa sheegaya in ciidamada somaliland ay is hortaageen wasiirka waxbarashada maamulka Puntland ka dib markii uu isku dayey inuu soo galo deegaanka Carmala oo uu ku sugnaa wasiirka cadaalada somaliland.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka arimaha gudaha maamulka Puntland Muuse Deeq Soomajeeste ayaa shaaciyey khasaare ciidanka Puntland ka soo gaadhay dagaal deegaanka Dhamala Cagare ku dhexmaray ciidamada qaranka somaliland “Sadex qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen kuwaas oo maamulka Puntland ka dhintay, dhinaca kalana dhaawacyo iyo maydad badan ayaa laga sheegayaa.”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ee maamulka Puntland oo la hadlay bulshotv.

COMMENTS
Latest News