Allool.com
Guddiga Madaxa Banaan ee Xaduudaha Hirshabeelle oo la Magacaabay
October 15, 2019 3:14 PM - Written by Warbaahinta Allool News GKC

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa lagu magacaabay Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Guddiga uu magacaabay Wasiir Caadle ayaa ka kooban 9-xubnood,isla markaana waxaa ku jiro Xildhibaan ka tirsan Baarlmaanka Hirshabeelle,xubno kale oo laga soo xulay Gobolka Shabeellaha Dhexe,Madaxtooyadda Hirshabeelle,Wasaaradda A/gudaha maamulkaas iyo degmooyin ka tirsan Hirshabeelle.

Sidoo kale Wareegtada ka soo baxday Wasiir Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka lagu wargeliyay inay Wakiil ka yihiin dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Hoos ka Akhriso Magacaabista 

COMMENTS
Latest News