Allool.com
Dilka Saraakiidha Muqdisho oo Soo Badanaaya iyo Dawlada oo Waxba Ka Qaban Kari,la
June 20, 2020 12:06 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Sarkaal katirsan Ciidanka dowladda ayaa lagu dilay Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysanaa oo sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda loogu geystay degmadda Dharkinley ee Muqdisho.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa ka dhacay gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen, inta aysan gaarin ciidamada ammaanka Soomaaliya.

COMMENTS
Latest News