Allool.com
Dhugo xog: Muxuu yahay sharciga Trump u ogolanaya in uu ciidan geliyo gobolada mareykanka
June 4, 2020 8:22 AM - Written by Warbaahinta AlloolNews

madaxweyne trump ayaa ku hanjabay in uu ciidamada militeriga u isticmaali dono
in ay gacan bir ah ku qabtaan, rabshadaha ka dhashay mudaharadada aadka
u saameeyey dalka mareykanka, kadib markii nin madow ah ay dileen booliska
gobolka Minneapolis.

rabshadahan oo gobolo badan wax yeelo balaadhan iyo khasaare u geystay ayaa
madaxweyne trump ku dhawaaqay in militerigu wax ka qaban doonan haddi
buu yidhi madaxda goboladu ay soo afjari waayaan, ama ay awoodi kari wayan.

madaxda gobolada ayaa si adag ugu gacan seedahy in madaxweynuhu awood
u leeyahay in uu soo fara gelio arrimaha gobolada isago isticmalaya ciidamada
militeruga ah ee qaranka.

hadaba sharciyada oo dhan kastaa si iyo qeyb kasoo dalacanayo ayaa
warbaahinta ALLOOL u koor gashay in ay xog rasmi ah ka heshay.

su,aasha ugu weyn uguna badan hadalhaynta dadweynaha mareykanka iyo in badan oo
caalamka ah ayaa ah madaxweyne mareykanku ma awooda sharciyan in uu
ciidamo wax kaga qabto arrimaha gobolada.

jawaabta oo kooban ayaa ah haa, balse marka aynu usii gudo galno
markee iyo sidee ayaa sharcigu siinaya awodan

waxaa jira sharci la dhahoo the insurrection act oo la meel mariyey 1807dii,
sharcigan aya tibaxaya
in madaxweynuhu awood buuxda u leeyahay in uu arrimada gobolada ciidam u
isticmali karo wax ka qabadkooda, haddi ay jirto dhib iyo halis ku soo fool
leh ama ka taagan amniga iyo badbadada muwadinka.

sharci kale ayaa la meel mariyey 1878 balse kan wuxuu u bahan yahay
in aqalka sare uu cod u qaado tageerana markaas siiyo isticmalkiisa,
mana badna in sharcigan la loo bahdo madaba uu jiro mid aan cod iyo
tageero cidna uga baahneyn.

sharcigan the insurrection act ayaa dhawr madaxweyne oo hore siyaabo kala
duwan ula soo baxeyn marar mudaharaado ay iyo rabshado ka kaceyn dalka mareykanka.
waxaana ugu danbeeyey madaxweyne goerge w bush ka weyne 1992kii mar
rabshado midabeysan ay ka keceen magalada lost angeles.

waxaana hore u ula soobaxay tiroba sadex madaxweyne mudooyinki u dhexesey 1950 iyo 1960kii.

sharcigan ayaa ah mid inta badan madaxdu ka xaragooto in ay afka soo mariyaan
madaba loo yaqaan gacanta ninka afka wax ku maareeyn waayey,
waxaa siweyn loogu dheg tagaya in uu madaxweyne trump noqdo madaxweynihi
u baahdey mudo kudhowaad 30 sanno ah.

Allool.com Washington

COMMENTS
Latest News