Allool.com
Dhakhtar si quto dheer uga hadlay xaalada ka jirta dalka iyo dayaca ladagaalanka covid19
March 29, 2020 12:01 AM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Waxaan ahay dhakhtar ka hawlgala cusbitaalada magaalada hargaysa.

Waxaan qalabka cudurkan (covid-19/coronavirus) loogu talagalay in lagaga gaashaanto aan ka haystaa:
1) goon caadi ah oo aan anigu soo toshay
2) N95 mask aan anigu soo iibsaday
3) antiseptic uu badh iiso shubay wiil sxbky ah
4) disposable gloves hospitalka aan kaqaatay

Waxan ahay askari furinta hore ee dagaalka coronavirus kujira, oo aan haysan hubka culus ee laysku difaaco iyo ka lagu dagaalamo ee ridada dheer leh.

Waxaan ka warqabaa xaqiiqda dhabta ah ee kusaabsan cudurkan, iyo waliba xaalka uu ka taaganyahay wadankeena iyo sida shacab iyo dawladiba ay uga falcelisay ee aqoondaro iyo awood la’aanba ah.

Waxaan ogahay khatarta aan kujiro.
Qoyskayguna werwer bay kujiraan

Hadana allah baan ajar iyo xasanaad, iyo janatul fardawsaba kaga rabaa.

Waxaan cusbitaalada u joogaa waa inaan dadkayga iyo dalkayga ku caawiyo waxaan awoodo iyo aqoontayda caafimaad.

Waxaan naftayda halista u galiyay waa adiga dartaa.

Fadlan qaado talooyinka caafimaad ee dhakhaatiirta, faraxalo, gurigaagana joog hadii aanad quutal daruuriga yawmiyaha ah u baxayn.

Hadii inaad dibada u baxdaa qasab kugu tahay, ka fagaw qoyskaaga kuwa waawayn iyo kuwa xanuunada kale qaba, sida macaanka, dhiigkarka, xiiqda, wadna-xanuunka iwm.

Allah u tawbadkeen, ducayso, aakhiradaadana u shaqayso, markaas kadib Allah-na u daa arimaha oo dhan.

W/Q – Dr-Ahmed Gadhay

Allool.com marnaba masuul kama aha qalinka bulshada, Warbaahinta Allool waxa keliya ee ay u xil saaran tahay baahinta aragtida iyo dhacdooyinka dadweynaha.

COMMENTS
Latest News