Allool.com
DHACDO NAXDIN LEH, HOOYO DISHEY CUNUGEEDI IYADANA XABSI 20 SANNO LAGU XUKUMAY
February 16, 2020 9:16 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Hooyo Canugeeda oo saqiir ah ku dishay Wadanka Turkiga, kadibna lagu xukumay 20 sano oo xarig ah.

Gabar Soomaali ah oo ku nool wadankan Turkey gaar ahaan Ankara ayaa lagu xukumay 20 sano oo Xabsi ah kadib markii ay dishay wiil ay dhashay iyadoo ku jirta isbitaalkii ay ku umushay.

Nin si wax uga dayey ayaa uureeyey kadibna ku inkiray uurkaas, uma aysan suuragalin in ay iska soo riddo Canuga ku dhex beermay, markii ay dhashay iyadoo nabad qabta ayey saqiirkii ku dishay sariirtii ay ku dhashay, dabadeed iyadoo ooynaysa ayey tiri wuu iga dhintay, intaas loogama harine waxaa la baaray Cameraddii qolka ay ku jirtay sidaas ayaa lagu arkay dilka ay geysatay.

Kadib Ciidanka ammaanka ayaa la wareemay, sidaas ayaa maxkamad loosoo taagay waana la xukumay, 20 sano ayaa garka loo galiyey.

Dilka caruurta waa mid kamid ah danbiyadda ugu waaweyn ee qof Turkey jooga uu galo.

Haweeneydan ayaa Soomaaliya deegaan ahaan kaga soo jeeda Somaliland, gaar ahaan Hargeysa sida la iisheegay.

X/ CALI AADAN

COMMENTS
Latest News