Allool.com
Dhacdo Layaab Leh Gabadhi Lagu Xidhey in Ay nin Eey Ka Dhigatay
February 13, 2020 11:51 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Mid ka mid ah goobaha tareemada laga raaco ee london waterloo ayaa booliska ka hawl galaa waxay qabteyn gabadh madow oo nin cadaan ah kuwadata xadhiga eeyga.

Gabadhan ayaa la sheegay in ay ninkan ka dhaadhicisey in uu qaato dhamaan amaradeeda isla markaasna oofiyo wax kasta oo ay u soo jeediso.

Waxyaabaha ay ninkan ku amartay ayaa waxaa ka mid ah in ay xadhiga eeyga ay ku kaxaysato, isaguna uu daba gurguurto isagoo eygii metelaya.

Dadkii goobta tareenka joogay ayaa layaab iyo fajec badan ay arrintani ku keentay waxaana ay noqotay in uu qofba si uturjumo dhacdadan.

Allool News London

COMMENTS
Latest News