Allool.com
Deg Deg:Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Magaalada Hargeysa”
May 26, 2020 10:45 AM - Written by Warbaahinta AlloolNews BO

Rag ku hubeysnaa Mindiyo ama tooreey ayaa waxaa ay xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland ku dileen Wiil dhalinyaro ahaa kana mid ahaa dadka ku nool Magaaladaasi Hargeysa.

Ragga hubeysnaa ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in Wiilka oo lagu Magacaabi jiray C/casiis Farxaan Jaamac ay tooreey ku dileen,iyaga oo intaasi kadib ka qaatay Mobile uu watay.

Mas’uuliyiinta caasimada Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegeen in kooxdii tooreyda ku dishay Wiilka dhalinyarada ahaa ay goobta ka baxsadeen,hayeeshee Ciidamada booliska ee ka howlgalla Magaalada ay ku raadjoogaan.

Magaalada Hargeysa ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay falal noocaan oo kale ah oo xilliyada habeenkii ay dhalinyaro Mindiyo ama tooreey ay dadka ku dhacaan,isla markaana qofkii diida in uu dhiibo Mobile-ka ay dilaan.

COMMENTS
Latest News