Allool.com
Deg: Deg: Qarax Muqdisho Ka Dhacay iyo Khasaaruhu Gaystay
July 8, 2020 11:29 AM - Written by Warbaahinta AlloolNews

QARAX KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

Qaraxaan oo laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay dhabarka danbe ee safaarada Dowladda Qatar ku leedahay Magaalada Muqdisho oo ku dhow Madaxtooyaddii hore ee Cabdiqaasim Xaafadda Taleex ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in lala eegtay Gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya.
Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaasi,waxaana goobta gaaray Ciidamo kale oo Boolis ah,kuwaas oo joojiyey isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

COMMENTS
Latest News