Allool.com
DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho
October 7, 2019 7:37 PM - Written by Warbaahinta Allool News

War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Goordhow qarax Xoogan uu ka dhacay Degmada Wadajir,kaasi oo jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxaa uu ku qarxay xili uu marayay meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Aadan ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa ku sugan hadalka uu qaraxa uu kla dhacay,isla markaana halkaas ka wada baaritaano ku aadan qaraxaas.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas Caawa ka dhacay Degmada Wadajir  ee Gobolka Banaadir.

 

COMMENTS
Latest News