Allool.com
Deg: Deg: Loolanka Loogu Jiro Somaliland oo Sii Xoogaysanaaya
July 22, 2020 12:27 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Wefdi uu hoggaaminayo wasiirka Maaliyadda Ethiopia ayaa hadda ka soo degay garoonka Diyaaradaha Hargeysa.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa garoonka kaga hortegay.

Imaanshaha wefdigan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan wafdi ka socda waddanka Masar ay Hargeysa yimaadeen.

Masar iyo Ethiopia ayaa waxa u dhexeeya khilaaf ku saabsan biyaha Webiga Niil taas oo sababtay in ay ku hirdamaan siyaasadda gobolka.

Hassan Galaydh

COMMENTS
Latest News