Allool.com
DEG DEG:-Hoobiyeyaal kusoo dhacay Madaxtooyadda Somalia
September 11, 2019 12:56 PM - Written by Warbaahinta Allool News

Jugta tirro Hoobiyeyaal ah ayaa Goordhow laga maqlay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Hoobiyeyaasha ay kusoo dhaceen meelo aan ka fogayn Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xaafadaha ku dhow.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Hoobiyeyaasha ay ku dhaceen dhismayaal ku taalla Madaxtooyadda Soomaaliya,kuwaasi oo gaarayay ilaa iyo 3 Hoobiye.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaar kamid ah Hoobiyeyaasha ay ku dhaceen Xafiis ku dhex yaalla Madaxtooyadda.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashii lagu gaaray agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya iyo sidoo kale halka laga soo tuuray.

COMMENTS
Latest News