Allool.com
Deg: Deg: Dalka Jarmalka oo Ka Deyriyey Xaalada Xanuunka Covidka
January 15, 2021 7:18 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Tirada Dadka Uu Haleelayo ama U dhimanaya Cudurka Coronavirus oo aan Maalmahan Dambe Kasoo rayn lahay Ayaa Waxa ay Angela Merkel iyo Madaxda Gobolada Kale Qorshaynayaan in Bandowga lasii Dheereyo ,Lana Adkeeyo Shuruucda Kahortagga Faafitaanka Coronavirus.

Madaxwaynaha Dalka Jarmalka Oo Maanta Hadlay Waxa Uu Faray Dhammaan Shirkadaha Iyo Ganacsatadu in ay Shaqaalahooda u suura Galiyaan in iyaga Oo Aqalka Jooga Shaqadooda kasoo Hawlgalaa(Homeoffice).

Sida Uu Sheegay Maanta Af-hayeenka Xukuumada Jarmalka (Steffen Seibert) Maalinta Salaasada Bishuna Tahay 19.01.2021 ayay Kulmi Doonaan Raysalwasaare Merkel iyo Madaxda Goboladu Kana Tashan Doonaan Qorshayaasha Kahortagga Cudurka Coronavirus . Kulankan Oo Loo balansanaa 25.01.2021 ayaa 6 Maalin kasoo Hormaray Taariikhdii markii hore la qorsheeyay ,Taas oo uu sababta Ku Tilmaamay Af-hayeenka Xukuumadu in Tirada Dadka Uu Haleelayo Xanuunkani Aanay Hoos U soo dhicin ,Cabsina Laga Qabo in Nooca Cusub (Corona-Mutation) Ee Dhammaadkii sannadkii Hore ka dilaacay Dalka Ingiriisku ,Halkan Jarmalkana aad Uugu Faafo , Taas Oo Culays Badan Ku Keenaysa Laamaha Caafimaadka Dalkan Jarmalka oo imikaba Aanay Hawli Ku yarayn.

Münster germany.

COMMENTS
Latest News