Allool.com
Deg: Deg: Ciidamada Soomalia ee Jooga Gedo oo xidhey Radio Gedo
June 28, 2020 5:57 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Ciidamo ka amar qaata dowladda Soomaaliya kuna sugan gobalka Gedo ayaa maanta xiray Idaacadda Radio Gedo oo ku taala degmada Doolow sida ay iisheegeen weriyaal ka tirsan Idaacadda.

Xarigga Idaacadda ayaa yimid kadib markii uu ciidanka amray guddoomiyaha degmada mana sheegin sababta iyo waxa keenay in la xiro.

Radio Gedo waxaa ku xiran kumanaan kamid ah Shacabka gobalka waxayna masuuliyiinta Idaacadda iisheegeen in muddo 8 saacadood ah ay hawada ka maqan tahay.

Hussein Abdulle Mohamed

COMMENTS
Latest News