Allool.com
Dalka Siyaasi Dalka Jarmalka ciqaab Ku Muteystay Amar coronavirus La Xidhiidha oo uu Jebiyey
June 30, 2020 3:19 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Madaxweynaha gobolka Baden-Württemberg ee koonfurta Jarmalka Winfried Kretschmann ayaa Isbuucii hore asigoo Maasko la’aan ah lagu dhex arkay Madaarka diyaaradaha raaco ee Tegel ee magaalada Berlin ku yaalla.

Haweeneey ayaa sawir ka qaaday, kadibna Internetka kusoo share gareysay.

Dad aad u badan ayaa dhaliilay Madaxweynaha, kuna eedeeyay in asiga iyo madaxda kale ee Jarmalka dadka Maasko ku qasbayaan, sidaasoo ay tahayne asiga uu xiraneyn, buuq badan ayaana arrinkaasi ka dhashay.

Madaxweynaha Podcast ayuu soo duubay cudurdaar ah, balse lagama yeellin.

Meesha ugu darran ee doodda ka socotayne waxay eheed Facebook dhexdiisa.

4000 oo commenti oo caay iyo handadaad iyo macluumaad qaldan isugu jira ayaa 20 saacadood gudahooda loosoo qoray Madaxweynaha.

Fiidkii Sabtida waxay madaxtooyada gobolkaasi go’aansatay inay odayga boggiisa Facebook hawada ka saaraan, wayna qariyeen oo hawada ayay sidaas uga saareen.

Dooddii ma dhamman odayga waxaa lagu sii eedeeyay inuu doodwadaag iyo dhaliil dhanba diidan yahay, sidaasna u xiray boggiisa Facebook.

Hadda boggii dib ayaa hawada loogu soo celiyay, balse arrinkaasi wixii ugu cajiibsanaa ee dalkaan Wochenende-haan ka dhaca ayuu ahaa.

Kawarama bal arinkaas, sidee ayaad u aragtaan?

Subax wanaagsan
Mukhtar adan dhere

COMMENTS
Latest News