Allool.com
Aroos ka dhacay Ghana oo Cadeyn u Ah Heestii Qamar Suugani, Jacayl Dhaxal Gala Wax Dhaama La Waa
February 25, 2020 10:33 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Tadobaadkan waxaa baraha bulshada qeebaheeda afrika siweyn loogu hadal hayey

80 jir u dhashay dalka Ghana ayaa guursaday saaxiibtiis oo 78 jir ah kadib 25 sano oo haasaawe ay ku jireen.

Lamaanayaashan oo waayeelo ah ayaa nolosha ku midoobay iyagoo dib u xasuustay waayihii ay soo wada qaateen, Kwaku Gyamfi oo aaminsan inuu wali dhalinyaro yahay kuna jira da’da 80 ayaa magaalada Accra oo ah caasimada dalka Ghana kula aqal galay Adwoa Asantewaa oo 78 jir ah.

Boqolaal qof ayaa ka soo qeyb gashay arooskooda oo si weyn ugu hadal hayay baraha bulshada waxaana taasi ay cadeyneysa in Jacayl dhaxal gal ah wax dhaamo lawaa.

COMMENTS
Latest News