Allool.com
Aqoonyahan Nafaqo “Maxaa aamusiiyey Mucaradkii Somaliland”
August 13, 2020 12:45 AM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Aqoonyahan Maxamed Saleebaan Nuur oo ah Siyaasi ka tirsan xisbiga Mucaradka ah ee Wadani ahna Siyaasi aragtidiisa maqaalo kusoo bandhigaa ayaa qoraal uu ku xardhay boga uu ku leeyahay baraha bulshada ku daabacay maqaal hadal hayn iyo is weydiin dhaliyey.

Qoraalkan ayaa sidan u dhignaa

Maxaa aamusiiyey xisbiyadii mucaaradka xili ay geeska afrika ay Ku soo kordheen hirdan duplamaasiyadeed iyo isdiidooyin siyaasadeed oo salka Ku haya mid dhaqaale, mid millatery iyo mid istaraatiijiyadeed,

Tiiyoo gaar ahaan Somaliland ay bilihii u danbeeyey Ku soo qulqulayeen ama isku waydaaranayeen waftiyo ka kala socda masar iyo Ethiopia oo salka Ku haya xiisada webiga Nile sidoo kale waxaa xiisad duplamasiyadeed ka dhex qaray dalka China iyo Somaliland ka dib markii ay Somaliland xidhiidh duplamaasiyaderd la samaysatay jazziirada taiwan, wuxuna dalka China u soo diray dalka Somaliland wefti heer sare ah taas oo ay Somaliland u soo gudbiyeen sida uu dalka China uga xunyahay ugana soo horjeedo xidhiidhka dhexmaray Somaliland iyo taiwan ,

Hasayeeshee xukuumada Somaliland wax faahfaahin ah marna kama ay bixin wufuudaha kala duwan iyo xiisadaha Ku soo kordhay mandaqada, taas oo u muuqata in ay xukuumadu Ku hafatay isdiidooyika siyaasadeed ee culayska Ku haya,

Sidaa darteed waxaad moodaa in ay meesha ka maqantahay doorkii axsaamta mucaaradka ee xukuumada Ku toosin lahaa ama tilmaami lahaa daalaadhaca xukuumada kulmiye ee ka muuqata siyaasadeeda debeda iyo gudahahaba,

Kuwaas oo xukuumada iyo shacabka u iftiimin lahaa. dalalka ay Somaliland tantu ugu jirto ee ay xukuumada kaga aragti duwan yihiin,

Waxay xukuumadii u muuqataa mid dabarka goosatay shacabkuna Ku jahawareeren meesha iyo jahada ay u socoto,

Waxaa la joogaa xiligii ugu haboonaa ee ay xisbiyada mucaaradku gaar ahaan xusbiga rajada shacabka ee wadani ay ka faaiidaysan lahaayeen habacsanaanta iyo hogaamin xumaabta xukuumada kulmiye la daaalaadhacayso,

Sidoo kale waxaa la joogaa xiligii ay xisbiyada mucaaradku ka faaiidaysan lahaayeen sida ay xukuumada kulmiye u kala qaybisay shacabkeeda iyo eexda iyo cadaaladdarada xukuumadan jilbaha dhigtay, iyo qaylada kasoo yeedhaysa dhamaan gobolada dalka ee wax qabadla’aan, cadaaladdaro, musuqmaasuq,

Waa maxay sababta ay xisbiyadii mucaaradku uga aamusan yihiin Dalian iyo dadkan aan la garanayn jihada loowado?

Qoraa Maxamed Nafaqo Neyrush

( Warbashinta Allool marnaba masuul kama aha qalinka iyo aragtida Dadweynaha waxaa keliya ee ay ka shaqaysa soo bandhiga Aragtida kala duwan)

COMMENTS
Latest News