Allool.com
Akhriso: Qiso iyo qalinkii hassan galaydh. (Dhacdo muwaadin naafo ah oo hawl u yeeshay mid ka mid ah wasaradaha jsl
June 20, 2019 12:20 AM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Hassan galaydh oo ka mid ah suxufiyiinta ugu caansan geyiga somalidu degto kana mid ah dhalinyarada ugu cadcad gaar ahaan somaliland ayaa bartiisa uu ku leeyahay baraha bulshada ku qorey qiso cajiib ah oo xigmad iyo garoshana ku dheehan tahay,

Qoraalkan ayaa sidan u dhignaa.

Cali,waa Curyaan korista dhismuhu marka horeba dhib ku yahay, saddex maalmood ayuu ku soo noqnoqanayay wasaarada.

Askari Irrida hore fadhiya ayaa ku yidhaahda maalinkasta ” wasiirku shir ayuu ku jiraa” ma bedelo xattaa kelmada oo way ku save garaysan tahay shir ayuu ku jiraa.

Qudhayda wuu igu yidhi shir ayuu ku jiraa laakiin waxa aan u diray wasiirka farriin qoraal ah oo aan isugu sheegayo in aan sugayo.

Waan u galay kaatimi keligii ayaa Kafay ku cabaya qol Qaboojiye ku xidhan yahay oo si fiican loo sharxay.

Waan u sheegay qisada Cali iyo in uu soo noqnoqday muddo saddex maalmood ah naafana yahay, si kooban ayuu iigu yidhi ” waar nafta ayay kuu keenayaan dadkani qof weliba dhib ayuu kaaga warramayaa”

Cali, oo keliya dhibtani ma haysato balse inta badan xarumaha wasaaradaha Somaliland waxa hor yuurura Askar aan cidna ogolayn in ay gudaha gasho.

Waxa haboon in wasaaraduhu maalmo gaar ah u sameeyaan shacabka si ay isu arkaan adeegaha shacabka iyo loo adeeguhu.

X/ Hassan Galaydh

COMMENTS
Latest News