Allool.com
Akhriso: Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Ahmed Madowe oo Is Afgarad kusoo Dhamaaday
September 5, 2020 1:09 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa goordhow soo dhamaaday, iyagoo isaga soo dhowaaday sidii hore, sida ay ii xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim.

Arrinta Gedo ayaa waxay ka gaareen is faham hordhac ah, iyagoo u saaray Guddi min hal xubnood oo ka shaqeynaya qaabka Farsamo ee xal looga gaari lahaa arrinta Gobolka Gedo.

Sidoo kale waxaa maalinta berri ay yeelanayaan kulan 3 geesood ah Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe, kulankaas oo ah mid quraac ah oo arrimaha dhexdooda ka taagan lagu xallinayo.

Wararka ayaa sheegaya in la isla qaatay in kulamada soo socda ay ku soo biiraan Saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed, taasoo Madaxweynuhu dhankiisa ogolaaday inuu martiqaadi doono.

Isha : Abdiaziz Golfyare

COMMENTS
Latest News