Allool.com
Akhriso: cilmiga qaaxoolajiga iyo PROFESSOR C/lahi Bootan Warsame
November 17, 2019 2:09 PM - Written by Warbaahinta AlloolNews

Maxaad ka Taqaan Qaaxoolajiyada ———–‐—‘——– Qaaxo waa waddo dheer oo gudban oo marta dhulka daaqsinka ah ee xoolo dhaqatadu ku badantahay ee kilinka 5aad ,kaasoo koonfur kaga beegan xuduuda somaliland laleedahay itoobiya.wadada qaaxo tuulooyinka ku yaal waxa kamida carmaale-xaaji gufays-karooska-aadamaanyare-daalaco iyo kuwa kale. Wadada qaaxo waxa aad u isticmaali jirey ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga soomaaliyeed (SNM);kasoo Halgan qadhaadh lagalay xukuumadii keligii taliska ahayd ee general maxamed siyaad Barre.

Akhriste Hawl kastaaba waxay leedahay guulo & hagardaamo,faa’iido & khasaare,taariikh & tixraac,mahadho & xusuus. Hadaba guulihii SNM waa lawada ogyahay midhodhalkeediina waa lahayaa;haseyeeshee waxa jirtey hagardaamooyin Barbar socday oo leh eray bixin nuxur leh oo kusoo biirtay dhaqansiyaasadeedka iyo maaraynta kuwaasoo ay kamidyihiin: kaadhka ka gub – kujiqsii- ugatalaaabso- dhako kale- waa laga dambeeyaa iyo kuwakale oo Farah badan.

Waxa xusid mudan markii aqoonyahano badani ku jaahwareereen ficilada eraybixintan iyo ujeedooyinka ku dheehan islamarkaana cilmigoodii iyo barnaamijyadii ay ku shaqayn jireen ama adeegsan jireen ka dhigtay hal bacaad lagu lisay waxay aqoonyahanadu sameeyeen cilmi baadhis dheer ay ku daraasadaynayaan arrimahan layaabka leh. Sidaa darteed aqoonyahanadu waxay isku raaceen in arrintani tahay farsamo cusub oo kusoo biirtay siyaasada iyo maaraynta tixgelinteeduna lagama maarmaan tahay, Tasoo ay ugu magac dareen ama ugu magac bixiyeen (Qaaxoology).

Ugu dambayn akhriste waxaan kugula talinayaa inaad xisaabta kudarsato oo fahamto cilmiga Qaaxoolajiyada iyo xeeladaha ku gadaaman si aad uga gudubto caqabadaha nolosha islamarkaana aad ulasocoto hanaanka siyaasada somaliland.

Qalinkii C/lahiri Botaan Warsame

Allool.com marnaba masuul kama ahaa odhahda iyo fekerka bulshadu ka dhiibato qeybta maqaalada balse Allool waxaa xil ka saaran yahay u gogol xaadhka isku xidhka bulshada.

Allool.com email contact@allool.com

COMMENTS
Latest News